field_block:node:page:title

Sidee Iskaga Bixiyaa Lacagta? (Make a Payment — Somali)

field_block:node:page:body

​Warbixintaan waxay sharrexeysaa sidii aad iskaga bixin lahayd canshuurta lagugu leeyahay.

Dadka badankood waa iney canshuurta dakhligooda xereeyaan ka hor bisha Abriil 15-keeda. Waa inaad iska bixiso canshuurta lagugu leeyahay ka hor Abriil 15-keeda, xataa hadii aad xereyneyso canshuurtaada waqtigaas ka dib. Hadii Abriil 15-keedu ku aado (Sabti iyo Axad) ama waqti Fasax Dowladeed ah, waqtiga aad bixineyso lacagta lagugu leeyahay waa maalinta shaqo ee ku xigta. Hadii aad ku bixin weyso lacagta lagugu leeyahay oo dhameystiran waqtiga laguu qabtey, waxaan dul saareynaa ganaax iyo faa’iido (interest) lacagta kugu hartey.

Ku bixi adoo isticmaalaaya akoonkaada bangiga

Ku bixi adoo isticmaalaaya kaarkaaga baniga ama credit-kaarkaga (waa lacag khidmaddaan)

  • U ISTICMAAL AALADA INTERNETKA: ONLINE US BANK WAXAADNA KU BIXIN KARTAA BANK CARD OR CARDKA DEENTA. Waxaa jira qayb sedexaad oo aan u isticmali karno waa U.S. Bank. Waxay nagala shaqeenayan  sida bank cardka loo isticmaalo markaad wax laguga leeyhay ama wax dhiganaysid. Waxay kaloo naga caawinayaan  xareenta canshuurta sanadka waxayna kuugu xareenaayaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxayna  qataa xogaa lacag.  bank cardka waxay qataan 1.25%. cardka deentana waxay qataan 2.15%
  • Ku bixi teleefonka adoo wacaaya 1-855-9-IPAY-MN ama (1-855-947-2966), waxaad bixin kartaa maalin walba Isniin ilaa Jimce, laga bilaabo 7da subaxnimo ilaa 7da fiidnimo, waqtiga Gobollada Dhexe.

Ku bixi Jeeg ama Foojar

  • Boostada ku soo dir jeegga ama foojarka lacagta adoo ku diraaya cinwaanka ku qoran foojarka lacagta. Waa inaad ku soo dartaa macluumaadka lagaa codsasdey ee ku qoran foojarka bixinta lacagta si lagaaga jaro lacagta.

Ku bixi money order ama foojar

  • Samee ama raac tilaabooyinka bixinta jeegga (eeg qeybta kore).

Imoow oo lacagta kaash ku bixi

  • Lacagta kaashka ah waa inaad shakhsi ahaan timaado xarunteenna oo aad bixiso, cinwaankeennu waa 600 N. Robert St, St. Paul, MN.

Heshiiska Lacag Bixinta

Hadii lacagta lagugu leeyahay oo dhameystiran aadan bixin karin, sii bixi wixii aad awooddo ka hor inta aan la gaarin waqtiga kama danbeysta ah – si ey kaaga yaraato lacagta dulsaarka (interest) iyo lacagta ganaaxa. Ka dib xilliga kama danbeysta ah, waxaan kuu soo direynaa biil ey ku qoran yihiin, canshuurta lagugu leeyahay, ganaaxa iyo dulsaarka aad muteysatey. Hadii aad codsaneyso heshiis lacag bixineed, sug biilkaas, ka dibna gal www.revenue.state.mn.us kuna qor ama ka dhex raadi payment agreement, ama soo wac taleefoonka ah 651-556-3003 ama 1-800-657-3909 (khad bilaas ah). 

Somali - How do I make a payment?  

Contact Info

field_block:node:page:field_last_updated
Last Updated