Ganaaxa iyo Dulsaarka Canshuurta Dakhliga ee Qofka (Penalties and Interest Income Tax-Somali)
Hadii aad daahiso inaad canshuurtaada waqtigeeda ku xereyso, lacagta lagugu leeyahayna aad waqtigeeda ku bixin weyso, waxaa suurtoobi karta in lacag lagugu ganaaxo. Isticmaal warbixinta hoose si aad uga badbaadid in ganaax iyo dulsaar culeys ah lagu dul dhigo.
Nooca Ganaaxa | Sidee uga badbaadi karaa ganaaxa? |
---|---|
Daahinta Canshuur Xereynta | Xereey canshuurtaada ka hor bisha Oktoobar 15-keeda. |
Daahinta Lacag Bixinta |
|
Yaraanta Canshuurta aad Qiyaastey | Bixi qiime canshuur aad qiyaastey sadexdii biloodba, waa hadii lagaa rabo. Macluumaad dheeri ah hadii aad rabto, fadlan booqo Qiyaasta Canshuurta Shakhsiyaadka. |
Dayacaad Waqtiga Canshuur Xereynta | Hadii aad hesho Dalab lagaaga codsanaayo inaad canshuurtaada soo xereyso, fadlan ka soo jawaab warqaddaas muddo 30 cisho ah gudohood. |
Qiimeynta Canshuurta Aad Bixinteeda La Daahdey | Hadii aad hesho Amar Warqad Canshuureed, fadlan kaga soo jawaab warqaddaas mudo 60 cisho ah gudohood. |
Nooca Ganaaxa | Qiimaha Ganaaxa | |
---|---|---|
Daahinta Canshuur Xereynta |
|
|
Daahinta Lacag Bixinta |
|
|
Yaraanta Canshuurta aad Qiyaastey | Buuxi Foomka Schedule M15, Underpayment of Estimated Income Tax, si aad u ogaato lacagta ganaaxaaga. | |
Dayacaad Waqtiga Canshuur Xereynta | 5% qiima canshuurta aan la bixin waqtiga lagaa codsadey, ama $100 doolar (hadba kii badan). | |
Qiimeynta Canshuurta Aad Bixinteeda La Daahdey |
|
|
Dib u dhac mise raac la'aanta Sharciga |
Canshuurta aan la bixin ganaax waa 10% haddii aad leedahay canshuur dheeraad ah. |
Xasuusin: Waaxda Canshuuraha ee Gobolka Minnesota waxaa laga yaabaa iney qiyaasto ganaaxa lagugu qaadi karo haddii aad soo xereyso canshuur been ah ama khiyaano ku jirto si lacag laguugu soo celiyo. Ganaaxaas waxaa laga yaabaa inuu gaaro 50% canshuurta aad soo xereysey. Wixii macluumaad dheeri ah fadlan booqo Credits iyo Homeowners and Renters (Property Tax Refund).
Dulsaar ma leedihiin?
Haa. Waxaan dulsaarnaa (interest) canshuuraha iyo ganaaxa laga bilaabo markii waqtiga kama danbeysta ah uu kaa dhamaado – illaa aad ka bixineyso lacagta lagugu leeyahay oo dhameystiran.
Dulsaarku wuu is bedbedelaa sanad walba. Qiimihii ugu danbeeyey ee dulsaarka waxaad ka dheehan kartaa jadwalka hoos ku xusan.
Sanadka | 2022 - 2021 | 2019 - 2020 | 2017 - 2018 | 2016 - 2010 |
---|---|---|---|---|
Qiimaha Dulsaarka | 3% | 5% | 4% | 3% |
Somali - Penalty and Interest