field_block:node:page:title
Meelaha Lagu Diyaariyo Cashuurta Bilaashka Ah (Free Tax Sites — Somali)
field_block:node:page:body
Waxa laga yaabaa inaad u qalanto diyaarinta cashuur celinta bilaashka ah iyada oo loo marayo Kaalmada Cashuuraha Dakhliga ee Tabarucaha (VITA) ama AARP Tax-Aide. Barnaamijyadani waxay caawiyaan diyaarinta canshuurta dakhliga federaalka iyo gobolka iyo soo celinta canshuur hantida.
Isticmaal qalabka raadinta ee boggan — ama tijaabi khariidadeena lala falgeli karo — si aad u hesho meelaha, saacadaha, iyo macluumaadka xiriirka.
Waxaa laga yaabaa inaad awooddo inaad ku xaraysato canshuurta internetka iyada oo bilaash ah. Fiiri in aad u qalanto.
field_block:node:page:field_paragraph
Waxaad guud ahaan caawimo ka heli kartaa goobta VITA haddii mid ka mid ah kuwani uu ku khuseeyo:
- Waxaad tahay 60 jir ama ka weyn
- Waxaad tahay qof naafo ah
- Waxaad ku hadashaa luqadda Ingiriiska oo xaddidan ama kuma hadashidba
- Dakhligaaga sanadlaha ahi waxa uu ka yar yahay $64,000
Goobaha AARP Tax-Aide ma leh xaddidaadyo dhanka dakhliga ama da'da ah. Dhammaan meelahani waxay diyaariyaan canshuur xaraynta aasaasiga ah oo kaliya. Si aad u hesho caawinta canshuur xaraynta adag, la tasho diyaariye xirfadle ah.
Waa inaad keento aqoonsi sawir leh iyo macluumaad kale oo shakhsiyeed oo ay la socoto diiwaan kasta oo muujinaya dakhliga aad heshay, kharashyada cashuurta laga jari karo, iyo cashuurta guryaha ama kirada aad bixisay.
Wixii macluumaad dheeraad ah, dib u eeg liiskan faahfaahsan: Maxaan u baahanahay si la iigu xareeyo cashuurteyda?
Waxaan si joogto ah u cusbooneysiinaa qalabkeena raadinta iyo khariidadda lala falgali karo si aan u bixinno macluumaadka goobta oo hadda jira. Inta badan goobaha diyaariya cashuur xaraynta bilaashka ah waxay shaqeeyaan Febraayo 1 ilaa Abriil 15. Meelaha qaarkood waxay furanyihiin ilaa Oktoobar 15.
Markaad dooranayso meesha:
- Hubi inaad u qalanto barnaamijka ka shaqaynaya goobta (VITA ama AARP Tax-Aide), kaas oo ku qoran natiijooyinka raadintaada. Dib u eeg qaybta Yaa u Qalma ee boggan si aad u ogaato faahfaahinta.
- Dib u eeg macluumaadka meesha kahor intaadan booqan ama aadan qabsanin ballan. Hay'adaha bixiya adeeggan ayaa waxaa laga yaabaa inay beddelaan saacadaha meesha, taariikhaha, ama fursadaha adeega.
- Haddii aad qabto su'aalo ama aad u baahan tahay in lagaa caawiyo helitaanka goob, naga soo wac 651-296-3781 ama 1-800-652-9094.
Hel Goobta Diyaarinta Cashuuraha Bilaashka ah