field_block:node:page:title

Bixiinta Canshuur Celinta Tooska Ah (Tax Rebate - Somali)

field_block:node:page:field_subtitle

Hal Mar Soo Celinta Lacagta Sanadka Canshuurta 2021

field_block:node:page:body

Ogow: Waxaan cusbooneysiinay nooca af Ingiriisiga ee boggan. Waxaan ku guda jirnaa in aan isbeddellada u tarjumno af [Isbaanish/Hmong/Soomali] waxaanan u cusbooneysiin doona boggan sida ugu dhakhsaha badan.

Minnesota Department of Revenue ayaa bilowday diritaanka lacag celin canshuur celin toos ah sanad canshuureedka 2021 dadka reer Minnesota ee xaqa u leh. Sharcigii la ansixiyay bishii Mayo waxay bixisaa lacagaha:

  • $520 lammaanaha isqabo oo wada buuxinaayo warbixinta canshuurta wadaaga ah ee dakhliga guud ee wax laga habeeyay ah $150,000 mise ka yar
  • $260 ee dhammaan dadka kale o oleh dakhliga guud ee wax laga habeeyay ah $75,000 mise ka yar 
  • $260 kale oo qof walbo kugu tiirsaan aad ku buuxisay canshuurtaada ilaa saddex qof oo kugu tiirsan baa la ogol yahay ($780)

Waxaan marka hore diraynaa lacag-bixinno dhigaal toos ah, oo ay ku xigto jeegag warqad ah oo boostaada lagu soo diro. Waxaan filaynaa inaan soo saarno 2.1 milyan oo lacag celin ah dhammaadka Sebtembar. 

Waxaan isticmaalnay canshuur celinta 2021 ee horay loo xareeyay ama canshuur celinta hantida si aan u go’aaminno cidda xaqa u leh iyo lacag bixinta.

Maxaa Dhacaya Marka Xiga

Inta badan dadka qaata, waxaanu u soo diri doona lacagta soo celinta akoontiga bangiga ama ciwaanka boostada ee canshurta dakhliga 2021 ama canshuurta celinta hantida. Haadii aad cusboonaysiisay bangigaaga, addresskada, ama habka lacag celiinta nala ah Julyo, waxaanu isticmaali doonaa macluumaadka aad bixisay. 

  • Debaajiga Tooska Ah: Lacagaha waxa lagu shubi doonaa akoonkaaga bangiga laga bilaabo dabayaaqada Augusto. Lacag bixintu waxay u muuqan doonta sida "State of Minnesota 2021 Tax Rebate Program" cadeynta bangigaaga. 

  • Jeeg Warqad: Jeegaggu waxa la soo diri doonaa laga bilaabo horraanta Sebtembar ilaa inta ka hadhay bisha. Jeegaga lagu soo diri:

    • Waxaa soo saaray US Bank oo uu soo gudbiyay Submittable Holdings Inc. — oo fadhigeedu yahay Missoula, Montana — ayaa la kaashaday barnaamijka. 

    • Doonaa baqshad cad iyo waxaana lagu ilaaliyaa ilaalinta bangiyada caadiga ah si ay uga caawiyaan ogaanshaha iyo ka hortagga khiyaanada.

Haddii aad u malaynayso inaad u qalanto qiimo dhimista laakin aadan helin Oktoobar, dib u eeg shuruudaha uu qalmitaanka ee boggan. Haddii aad xaq u leedaha lacag bixiin, Wakiilka macaamiisha ayaa hubin kara xaaladdaada. IImaylka mntaxrebate@submittable.com ama wac 651-565-6595.  

Yaa U Qalmo

Waad u qalmataa hadii aad fulinayso dhammam shuruudda xiga:

  • Waxaad ahayd qof deggan Minnesota qayb ka mid ah mise dhamman sanadkii 2021
  • Waxaad buuxisay warbixinta canshuurtan xigta mid ka mid ah meeshii lagu gaaray Diseembar 31, 2022:
    • 2021 Foomka M1, Canshuurta Dakhliga Shakhsiga Minnesota
    • 2021 Foomka M1PR, Lacag Celinta Daynta Qoyska (dadka Guriyaha leh) iyo Lacag Celinta Canshuurta Hantida Kireystaha
  • Dakhligaada guud ee wax laga habeeyay ee 2021 (sadarka 1 aad ee Foomka M1 mise Foomka M1PR) ayaa ahaa:
    • $150,000 miseka yar lammanaha isqabo oo wada buuxinaayo
    • $75,000 mise ka yar dhammaan dadka kale oo buuxinaayo
  • Laguuma magacaabin qof aanku tiirsanayn qof kale markii loo eego warbixintooda canshuurta dakhliga ee 2021

Canshuur bixiyeyaalka oo dhintey Janaayo 1 da, 2023 uma qalmaan. Laakiin haddii lammaanaha isqaba ee xaqa u leh ay xareeyaan soo celinta wadajirka ah 2021 oo mid ka mid ah lammaanuhu dhinto ka hor Janaayo 1, 2023, lammaanaha kale wuxuu xaq u leeyahay lacag celin buuxda.

Su’aalaha Caadiga Ah

Su aalaha Dhimista Guud

field_block:node:page:field_paragraph

Hubi oo Toos Lacag Bixinta Dhigashada

Contact Info

field_block:node:page:field_last_updated
Last Updated